Gadiidleeyda ka shaqeeya goballada Baay, Shabellaha Hoose iyo Banaadir ayaa sheegay in ku dhowaad Todobo Maalin ay ku xanniban yihiin inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Guddoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka gaadiidleyda dalka, Cadceed Cismaan Shuuriye ayaa sheegay iney ka shaqeyn la yihiin maamulka gobolka Shabellaha Hoose, oo doonaya in lacago aan sharci ahayn laga qaado gaadiidka.
Waxa uu tilmaamay in askarta maamulkaasi lagu amro in lacagtaan laga qaado gaadiidka, haddii ay bixin waayaanna la dilo darawalka waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments