Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxmed Farmajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu safar dhanka lugta ah ku tago magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ammaanka guud ee magaaladaasi aad ayaa loo adkeeyay, waxaana sidoo kale magaalada laga daremayaa diyaar garowga ay shacabka ugu jiraan soo dhoweynta madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa fagaare kula hadli doona shacabka Gaalkacyo, waxaana sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.




From the comments