Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Mas’uuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland, shacab aad u badan ayaa madaxweynaha kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.
Ammaanka guud ee Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dadweyne badan isugu soo baxeen guud ahaan magaaladaasi oo laga dareemayo soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo.




From the comments