Soomaaliya iyo Turkiga ayaa jimcihii Ankara ku kala saxiixday heshiis iskaashi, heshiiskan waxaa uu taabanayaa dhinacyadda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Tamarta iyo Macdanta, Waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee nolosha bulshada, waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare ku-xigeennada labada dal.
Raysalwasaare xigeenka Dalkan Turkiga ayaanu wada gaadhnay heshiis labada dhinac ay arimahaas si dhow uga wada shaqayn doonaan. Waa fursad kale oo Soomaaliya iyo Turkiga isku xidhaysa.
“Waxaa dooneynaa in aan xoojinno xiriirkeenna aan la leennahay Soomaaliya, hadda maal-geshiga Turkiga ee Soomaaliya waa $100 million,” sidaasi waxaa yiri ra’isul wasaaraha ku-xigeenka Turkiga Recep Akdag.




From the comments