Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo badan ay ku daabuleen deegaanno ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.
Wararka ay helayso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in xilli walbo la filan karo dagaal dhex mara Labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi.
Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo.




From the comments