Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa xoogga dalka lagu eegtay nawaaxiga Haanta Dheer, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka ku aasneyd, waxaana lala eegtay sida naloo sheegay gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka.
Inta la xaqiijiyey Saddex kamid ah askartii gaarigaasi saarneyd ayaa dhaawac soo gaaray, iyadoo dhowaqa qaraxan laga maqlay meello badan oo magaalada Muqdisho ah.




From the comments