Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay iney muhiim tahay ka shaqeynta nabadda iyo is dhexgalka bulshada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.
“Waxaan dooneynaa in aan ka shaqeyno sidii magaaladan ay ku noqon lahayd meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, annaga oo meesha ka saareyna kala qeybsanaanta jirta.”




From the comments