Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen askari ka tirsan Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Askarigan ayaa lagu dilay xaafadda Xaawo Taako ee B/weyne, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan natiijadiisa la shaacin.




From the comments