Wasaaradda maaliyadda ayaa maanta daah furtay habka dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2018ka iyo sidii ay sare ugu qaadi lahaa dhaqan-gelinta howlaha Dowladda horyaala, iyadoo habka loo soo bandhigaay dhaqan-gelinta Miisaaniyada ay tahay mid ka duwan sanadihi hore.
Sida ay qortay SONNA, Munaasabadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle, wasiir ku-xigeenka, xisaabiyaha iyo hanti dhowraha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee wasaarada iyo agaasimiyeyaasha waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda.
Wasiirka Wasaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay dhaqan gelinta Miisaaniyada 2018ka ee Dowladda Soomaaliya isagoona tilmaamay iney muhiim tahay in Miisaaniyada Dowladda noqoto mid laga wada faa’ideysto laguna gaaro horumarka dalka iyo sare loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha.




From the comments