Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo ka yimid magaalada Galkacyo ayaa caawa ku sugan Cadaado, magaalo madaxda KMG ah ee Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Galmudug, wasiirro xukuudadda federaalka ah iyo Galmudug, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya iyo shacab badan ayaa lagu arkayey Cadaado gudaheeda.
Madaxweyne Farmaajo oo Cadaado booqanaya markii 2aad, waxaa lagu wadaa in halkaasi kula kulmo madaxda maamulka, siyaasiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada




From the comments