Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceelka Geelow ee Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan ka dhasheen.
Dagaalyahannada Al=-shabaab ayaa shalay weerar gaadmo ah ku qaaday deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deeganakan ayaa sheegaya in xaaladda ay deggan tahay, islamarkaana ciidamada xoogga dalka ay dib ugu laabteen deegaankaasi, kadib saacado kooban oo Al-shabaab la wareegeen.




From the comments