Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaan in saacadaha soo aadan ee maanta ay gaaraan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Waxaa la socda madaxweyne Farmaajo, madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka, wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.
Ammaanka degmada Dhuusamareeb oo uu madaxweynaha ku wajahan yahay ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi isugu soo baxay shacab badan oo isku diyaariyey iney caleemo qoyan kusoo dhoweeyaan madaxweynaha.




From the comments