Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Leh Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Dhuusamareeb
Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la leh maanta oo Arbaco ah bulshada ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu la kulmay mas’uuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Dhuusamareeb wuxuu la kulmi doonaa waxgaradka, siyaasiyiinta, ururada haweenka iyo dhallinyarada ee degmadaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News