Goobjoog

Baarlamaanka Puntland Oo Kulan Degdeg Ah Ka Yeeshay Xiisadda Tukaraq

Kulan ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa lagaga hadlay xiisadda ka jirta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. War-saxaafadeed kulankaasi laga soo saaray, islamarkaana uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha golaha…

Baarlamaanka Puntland Oo Kulan Degdeg Ah Ka Yeeshay Xiisadda Tukaraq

Kulan ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa lagaga hadlay xiisadda ka jirta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

War-saxaafadeed kulankaasi laga soo saaray,  islamarkaana uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha  golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi, ayaa lagu sheegay iney taageereen qorshaha xukuumadda ay ugu jirto waxa lagu sheegay difaaca iyo sugidda amniga dhulka Puntland.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu magacaabay guddi xildhibaanno ah kuwaasi oo si dhow ula socda xaaladda difaaca Puntland.

Sidoo kale, shacabka Puntland ayeey ku wargeliyeen iney ka qeybqaataan sida ay sheegeen difaaca Puntland.

War-saxaafadeedka halkaan ka akhriso:

Goobjoog News

war-saxaafaded

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments