Waxaa maanta 10:00 subaxnimo lagu wadaa in ay magaalada Qaahira, caasimadda Masar ku kulmaan madaxweynaha Masar Cabdifitax Al-sisi iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Labada nin ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan xiriirka labada dal, maal-geshi iyo xiriir ganacsiga, xisada Masar ee biyaha Nile-ka, amniga gobolka iyo arrimo kale.
Arbacadii shalay aheyd waxaa kulan gaar ah wada qaatay wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, iyaga oo ka wada hadlay jadwalka shir madaxadeedka maanta dhacaya.




From the comments