Ra’iisul-wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay maanta iney leedahay uurka canugeedii koowaadna, iyadoo intaasi raacisay in ay ogaatay waxyar ka hor doorashada, Jacinda Ardern ayaa xilliga umushana ku fakareysa iney fasax gaaban ah qaadato.
Sida ay sheegtay Reuters, Ardern oo bayaan soo saartay ayaa xustay in muddo 6 isbuuc ah ay fasax qaadan doonto, ku xigeenkeeduna uu howsha dowladda sii wadi doono.
Waxay tiri: “Aragtidayda gaarka ah, waxaan aad ugu hamuun qabaa kaalintayda cusub ee hooyo nimo. Hadana isla xilligaas waxaan xoogga saaraynaa shaqadayda iyo mas’uuliyadahayga ra’isul-wasaare ahaan.”




From the comments