Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Goloha Shacabka Soomaaliya, Mahad Cabdalle Cawad, ayaa caawa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ku soo dhaweeyeen 41 maxaaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo ku xirnaa dalka Hindiya . Kuwaas oo dib u helay xoriyadoodii, ka dib dadaalo badan oo ay samaysay dawladda Soomaaliya, si loo sii daayo muwaadiniinteeda.
Qaar ka mid ah goloha Wasiirada Soomaaliya, Xil-dhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo dhawaynta maxaabiista ku waheliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxyna si marxaba ku jirto dhalinyarada ugu soo dhaweeyeen dalkooda hooyo.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in markale ay soo dhaweeyaan muwaadiiniin Soomaaliyeed, oo si yaabo kala duwan ugu xirnaa dalka Hindiya. Waxayna ka turjumaysaa sida ay xukuumadda Soomaaliya ugu dadaalayso in dhamaan maxaabiista Soomaaliyeed laga soo daayo wadamada ay ku xirin yihiin, lana dareen siiyo in ay dawlad lee yihiin.





From the comments