Goobjoog

Sisi Oo Mar Kale Isu Soo Sharaxay Madaxtinnimada

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa ku dhawaaqay inuu mar 2aad yahay Musharraxa doorashooyinka madaxtinimo kuwaasi oo lagu wado inay ka dhacaan Masar dhamaadka bisha Maarso ee soo socota. Abdel…

Sisi Oo Mar Kale Isu Soo Sharaxay Madaxtinnimada
Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi poses during a meeting with French Prime Minister Manuel Valls (unseen) at the presidential palace on October 10, 2015 in the Egyptian capital Cairo. Valls arrived in Egypt to start a three-country Arab tour aimed at boosting economic ties and for holding talks on the region’s conflicts. AFP PHOTO / KENZO TRIBOUILLARD

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa ku dhawaaqay inuu mar  2aad yahay Musharraxa doorashooyinka madaxtinimo kuwaasi oo lagu wado inay ka dhacaan Masar dhamaadka bisha Maarso ee soo socota.

Abdel Fattah el-Sisi oo ka hadlayey qodbad uu ka jeedinayey teleshinka kuna saabsaneyd soo xiritaanka shir lagu qabtay magaalada Qaahira socdeyna saddex maalin ayaa yiri “11 ogolaada inaan isku soo sharraxo doorashooyinka madaxtanimo ee soo socda”.

El-Sisi ayaa ka codsaday codbixiyaasha Masaarida ah inay u soo baxaan sanduuqyada codbixinta “Si dunida loogu muujiyo xajmiga ka qeyb qaatay doorashooyinka”, waa sida uu u dhigay hadalka.

Dastuurka Masar ayaa waxa uu caddeynayaa, in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu marlabaad uu isku soo sharrixi karo muddo afar sano oo kale ah.

Madaxweynaha Masar ee hadda talada haya ayaa waxay ku egtahay mudadiisa June 2018.

Dhanka kale intii arrintaani lagu guda jiray waxaa uu baahiyey madaxii hore ee abaal duuliyaha ciidamada xoogga dalka Masar Sami Hafez Anan inuu yahay musharax u taagan doorashooyinka madaxtinimo ee Masar.

Sami Canaan ayaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha dowladda ee rayidka iyo kuwa millatariga inay dhexdhexxad ka noqdaan dadka isku soo sharaxay madaxtinimada.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments