Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Maanta Xiran

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaadiidka dadweynaha u diidaya iney isticmaalaan qaar kamid ah waddooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho.
Gaadiidka dadweynaha ayaa saakay waxaa loo diidayey iney kasoo gudbaan dhanka wadada Wadnaha, soona aadaan dhanka wadada Makka Al-mukarrama.
Gaadiidkii laga celiyey waddooyinka ayaa xiray waddooyinkii kale ee furnaa magaalada, waxaana la arkayey shacab badan oo lugeynaya.
Xaafaha Muqdisho waxaa isku ciriiriyey gaadiid badan, kuwaa oo mari waayey wadada Wadnaha maadaama ay isku xirantay.
Ciidamada wax celinaya ayaa taagan Isgoysyada Sanca, 4-ta Jardiin, Siinaay, Ferolensa, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, KPP iyo sidoo kale Tarabuunka.
Dad u badan Arday iyo shaqaale oo saakay ku luggo’ay waddooyinkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in aysan fileyn xirnaanshiyaha waddooyinkan, ardayda qaarna ay lahaayeen imtixaan.
Lama oga sababta keentay in waddooyinka la xiro, iyadoo dad badan ay tani u arkeen culeys kusoo kordhay magaalada.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xilligii uu ahaa musharraxa madaxweynaha, wuxuu khudbad uu ka jeediyey golaha shacabka ku sheegay in haddii uu madaxweyne noqdo aan la xiri doonin waddo, lana furi doono waddooyinka xiran, balse taas bedalkeeda waxaa xirmay waddooyin kale oo furnaa.
Goobjoog News