Injineer Yariisow Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Duqa Muqdisho

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loogu magacaabay Injineer Yariisow.
Wareedtada ayaa sidan u qoran:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)
-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;
Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;
Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:
Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;
Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad eeAmniga iyo Siyaasada;
Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;
Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
Aadan Sheikh Cali Fidowwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka HowlahaGuud
Xoghayaha Guudwaxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen