Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay soo dhagax-dhigeen faracyo ay jaamacadda umadda Soomaaliyeed ka furaneyso magaalooyinka Galkacyo, Cadaado, Dhuusa-mareeb iyo Cabud-waaq, dhammaantood waxaa laga maamuli-doonaa xarunta dhexe ee Muqdisho.
Hadalkan waxaa uu Mr. Xaaf ka sheegay magaalada cabdu-waaq halkaas oo ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cadullahi Farmaajo.
Ardeyda Galmudug ayaa heli-doona waxbarasho lacag la’aan ah oo ay hirgeliso dowladda federaalka ah, taasi oo astaan u noqon-doonta baahinta adeegyada dowladinimada.




From the comments