U bood dhigaalka

Banaadir: In Ka Badan 300 Oo Qoys Oo Qabowgu Saameeyay

Sheeko:Dalka

In ka badan 300 oo qoys oo ka soo bara -kacay abaaraha ka jira gobollada dalka gaar ahaan shabeelooyinka hoose iyo dhexe ayaa ku sugan “Kaam-wanaagsan” oo ka tirsan degmada Deyniile, ee Gobolka Banaadir.

Qoysaska halkan ku nool ayaa inta badan ka cabanaya qabowga xilliga habeenkii dhacaya, iyaga oo sheegaya in dhibaatooyin badan ay ku qabaan.

Qaarkood waxay sheegayaan in xilliga habeenkii ay adagtahay inay Hurdo ka soo dhacdo maadaama ay dhamaadeen Bacihii iyo sidoo kale maryihii ay gabaadka kaga dhigan jireen Cadceedda iyo Roobabka da’aya .

Ma jirto Caawimaad ay ka heleen qoysaska ay halkaani ku nool Hay’adaha gargaarka ee ka howlgala caasimadda Mugadisho iyo sidoo kale Soomaaliya inteeda kale.

Madiino Maxamed waxaa ay ka mid tahay qoysaska Abaarta uga soo bara kacay gobollada dalka gaar ahaan Shabeellada hoose waxay sheegtay in dhibaatooyin kala duwan oo dhanka Nolosha ah ay xilligaani soo wajahday una dheertahay dhaxanta iyo dabeysha habeenkii dhacaya.

“Waxaa na heyso Bac la’aan waxaan ka gali laheyn qabowga iyo dhaxanta dhacaya xilliga habeenkii, habeenkii waxaan dareenaa dhaxan aad u badan”.

Sacdiyo Maxamed iyana waxay ka mid tahay qoysaska ku nool Kaamkaan waxay Goobjoog News u sheegaty in dhibaatooyin dhanka Noloha ah ay qabto mudadii halkaani ay ku sugneyd.

“Habeenkii waxaan la joogi la’nahay qabow ilmaha waxaa loo galiyaa dhar culus waana lagu seexiyaa dhaxanta waxay darantahay xilliyada dambe”.

Cabdiraxmaan Cabdullahi Jimcaale waxaa uu ka mid yahay mas’uuliyiinta xeradaani waxaa uu Goobjoog News u sheegay in dabeysha xooggan ee jirta keentay inay bidaan Guryo badan oo ka sameysnaa Baco.

“Kaamkaan waxaa ku nool Bulsho badan dhibaatooyinka maanta ugu badan oo aan ka andacooneyno waa qabow xad-dhaaf ah”.

Muddo labo sano ku dhow ayey dadkaani ku suganyihiin xeradaani ma jirto wali cid ay gargaar ka heleen waxay dalbanayaan guud ahaan in si degdeg ah loogu soo gurmado.

Goobjoog News