Itoobiya ayaa diiday baaq ka yimid dhanka Masar oo ku aadanaa in Bankiga adduunka uu dhexdhexaadiyo khilaafka ku saabsan arrinta biyo xireenka kaasi oo Itoobiya ay ka dhiseyso wabiga Nile.
Hailemariam Desalegn oo ah ra’iisulwasaaraha Itoobiya jimcadiina ka soo laabtay booqasho uu ku tagay magaalo madaxda Masar ayaa diiday arrintani.
Labada dowladood ayaa kawada hadlay arrinta biyo xireenka muddo bil laga joogo balse Masar ayaa waxay ka baqeysaa in biyo xireenka uu saameeyo qoondad ay ku leedahay wabiga biyaha Nile.




From the comments