Kicinka dabeylaha ayaa ka bilowday gobollada Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho oo ku taallo xeeb, waxaa ka socda dabeylo aad u xooggan oo habeenkii wadata qabow, arrintan oo sababtay inuu yaraado ama hoos u dhac ku yimaado wax-soosaarkii Kalluun ee badda laga keeni jiray.
Suuqyada lagu iibiyo Kalluunka ee magaalada Mugadishu ayaa hadda waxaa ka taagan sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka.
Suuqa Kalluunka ee Xamar-weyne ayaa ugu caansan meelaha lagu iibiyo wax-soo-saarka badda gaar ahaan Maleyga Ibraahim Cabduulahi oo ka mida dadka iibiya Kalluunka ayaa Goobjoog News uga waramay is badalka lacageed ee ku yimid Kalluunka. “Kawaanka Maleyga xaaladdiisa aad ayey u kacsantahay xiiliyo Kalluun darro naheysay ayaan soo dhaafnay hadda waxaan ku jirnaa xilli maley la’aan ah, kawaanka Maleyga wax maley ah mayaaliin, qiimaha maleyga sare ayuu u kacsanyahay waa mid qaaliya Kiiladii, waxaa lagadaa 8 dollar, qiimahaasi waxaa sababay malaay la’aanta iyo dabeysha hadda socoto”.




From the comments