Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Dagaalka oo u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed oo in muda ahba dagaalkoodu ka taagnaa halkaas ayaa ka billowday degaanka Ceel Afweyn oo jihada koonfurta galbaad kaga beegan magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Ugu yaraan 20 qof ayaa geeriyootay halka tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen waxaana warar kale ay sheegayaan in khasaaraha uu intaas ka badan yahay.




From the comments