Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa uga qeybgalay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Saudi Arabia shir gaar ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Islaamka ay kaga tashanayeen gantaal baalisti ah oo fallaagada Xuutiyiinta ay la beegsadeen Caasimadda Riyadh.
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad ku baxaysay Afka Carabiga ka jeediyay shirkaasi, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Dowladda Sucuudiga, ayna si kulul u cambaareyneyso falka cadowtooyada leh ee Xuutiyiintu ku weerareen dalkaasi, waxaana uu soo jeediyay si dhibaatooyinka ka jira dunida muslimka loo xaliyo ay laga maarmaan tahay isbaheysi dhab ah oo taabbagal ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Jeddah Wasiirada Arrimaha Dibadda Djibouti H.E. Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Saudi Arabia H.E. Mr. Adel Al-Jubeir, Maldives H.E. Dr. Mohamed Asim iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan H.E. Mr. Hamid Mohamed E. Momtaz.




From the comments