Ugu yaraan 33 qof ku dhimatay halka 50 kale ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay meel u dhow masjid ku yaallo magaalada Benghazi, ee bariga dalka Libya.
Dadka waxyeellada soo gaartay waxaa ka mid ah saraakiil sare oo ciidamada ka tirsan, dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka magaalada, waxaana ku jira dadka dhintay ciidamo millatari ah.
Qaraxyo ceynkaan oo kale ah horay ayey uga dhaceen dalka Liibiya balse labadii qarax ee ugu dambeysay kalana dambeeyay muddo 15 daqiiqo ah cidna ma sheegan mas’uuliyadooda. Dadka inta badan waxyeellada ay soo gaartay ayaa u badan rayid.




From the comments