General hore oo ka tirsan ciidamada Masar, Saami Canaan kaas oo damacsanaa in uu doorashada sanadkan kula tartamo madaxweyne Cabdifitaax Al-sisi, ayaa shalay xabsiga la dhigay isaga oo lagu eedeeyay in uu ku tuntay xeerka, militariga, sameeyay musuq isla markaana uu dhiirigeliyay xummaanta.
Xeer ilaalinta ciidamada ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in abaan-duuliyihii hore ee ciidamada Masar Saami Xafez Canaan inuu galay dambiyo ka dib markii uu shaaciyey inuu yahay musharax u taagan doorashooyinka madaxtinimo isaga oo aan ka fasax qaadan ciidamada qalabka sida.
War-murtiyeedka ka soo baxay hogaanka guud ee ciidamada Masar ayaa sidoo kale Sami Hafez Anan waxaa lagu eedeeyay inuu galay dambiyo kicin ah oo ka dhana ciidamada kuwaasi oo uu qoray.




From the comments