Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay dibadbax ka dhigeen shacab ka carreysan bur-burin lagu sameeyay guryo ku yaalla magaaladaasi.
Aadan Xuseen oo kamid ah dadka ku dhaqan Kismaayo ayaa Goobjoog u sheegay in askar ka tirsan Jubbaland ay si awood ah ku burburiyeen Labo guri oo dad shacab ah deganaayeen.
Askartaan ayaa la sheegay inuu la socday ruux sheeganayey inuu lahaa guryaha la burburiyey, waxayna taasi keentay in shacabka ay dhagxaan ku tuuraan askartii howlgalka wadey.




From the comments