Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Jowhar u gaaray si uu uga qeybgalo doorashada kursi ka mid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Cosoble ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay qabashada kursigan, sababtuna wuxuu ku sheegay inuu yahay shaqsi wax u qaban kara beesha uu kasoo jeedo.
“Sida aad la socotaan waxaan musharrax u ah kursiga xildhibaanka ee beesha aan kasoo jeedo, haddii uu Alle idmo ergadii iyo dadkii oo dhan wey joogaan, waxaan rajeynayaa iney cadaalad u dhacdo, waxaan rajeynayaa in umadda qofkii dan u ah kursigaasi qabto, xilkaan inaan u imaado waxay ka dhalatay talo iyo soo jeedin dad badan oo beesha ah, in la shaqeeyo waa loo baahan yahay” ayuu yiri Cosoble.




From the comments