Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, ayaa waxay sheegayaan deegaan duleedka ka ah magaaladaasi ka soconayo dagaal u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.
Ciidamo ka tirsan Jubbaland, lana sheegay iney ahaayeen sahan ayaa waxaa weerar ku qaaday dagaalyahannada Al-shabaab, xilli ay marayeen deegaanka Wirkooy.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo weli la maqlayo rasaasta ay Labada dhinac isku adeegsanayaan.




From the comments