Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in maxkamadda sare ee dalka ay diiddan tahay doorashada kursi kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasi oo lagu wado in maalinta berri ah ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.
maxkamadda sare ayaa ku doodeysa in doorashadan aysan u dhici karin Labo arrin dartood oo kala ah:
- Guddiga doorashada madaxa banaan oo ay maxkamaddu sheegeyso inaanu xaq u lahayn qabashada doorashadan
- Iyo sidoo kale ineysan kursigaasi u tartami karin shaqsiyaad horey ugu soo tartamay sida ku qoran qodobka 59-aad ee Dastuurka.
Dhanka kale, ilo kale oo ku dhow guddiga madaxa banaan ee doorashada qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in guddiga uu ku adkeysanayo iney dhacdo doorashada.




From the comments