Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ay ka dhacdo doorashada kursi kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.
Kursigan waxaa u tartami doona Lix musharrax oo ay ku jiraan taliyahii hore ee NISA Sanbaloolshe iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in doorashadan ay maanta dhici doonto.




From the comments