António Guterres: Waxaan Kala Shaqeyn Doonnaa Midowgga Africa Sidii Loogga Hortagi Lahaa Loolannada Qaaradda

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa sheegay in qaramada midoobay ay kala shaqeyneyso midowgga Africa sidii looga hortagi lahaa loolannad ka jira qaaradda.
António Guterres ayaa yiri “Waxaan kala shaqeyneynaa midowgga Africa xoojinta iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, waxaan dadaal ku bixineynaa sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka jirta Koofurta Suudaan iyo ka hortagga loolannada ka jira qaaradda”.
Waxaa uu intaasi ku daray in Midowgga Africa ay ka taageerayaan dhanka maal-gelinta si ay u sii socoto howsha nabad-ilaalinta qaaradda.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay kala shaqeyn doonaan sidii loo badali lahaa cimilada qaaradda ,socdaalka sharci darrda ah, waxa uu intaasi ku siidaray in xilligani aan qaaradda laga aqbali Karin nooc ka mida is adoonsiga.
Goobjoog News