Waxaa magaalada Adis-ababa lagu soo gabagabeeyay shirmadaxeedkii 30-ee ee hogaamiyayaasha qaaradda Afrka, waxaana lagu heshiiyay dhammaan go’aannada mashruucyada marka laga reebo in lasameeyo suuq ganacsi oo xor ah.
Bisha Maarso ayaa waxaa lagu qaban doonaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda shirmadaxeed gaar ah oo looga hadli doono arrinta sameynta ganacsi xor ah.
Shirmadaxeedka ayaa soo dhamaaday ka dib markii laga dooday lagana wada hadlay qaar ka mida mashruuyada la xiriira in loo qoondeeyo midowgga Africa miisaaniyad madax-banaan iyo in la siiyo koror ku aadan dhanka awoodaha.




From the comments