Qarax Miino ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagula eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasi oo saarnaa gaari nooca dagaalka ah.
Gaariga miinada ay ku qaraxday ayaa kamid ahaa kolonyo ay la socdeen ciidamada Puntland, kuwaasi oo marayey deegaanka Sugurre ee duleedka Boosaaso.
Miinadan ayaa ku aasneyd wadada dhinaceeda, waxaana lasoo sheegayaa in burbur xooggan uu soo gaaray gaarigii ay ku qaraxday, waxaana jira khasaare dhaawac u badan.




From the comments