Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka.
Shirkaan oo hal maalin qaatay ayaa looga hadlay xasilinta dalka, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay wasaaradaha arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyad, maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ka socda beesha caalamka.
La taliyaha dhanka dowladaha hoose iyo xasilinta ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkaasi yahay mid xasilinta guud ee dalka looga hadlay, islamarkaana lagu soo hadal qaaday arrimo muhiim u ah nabadgalyada iyo sida dhinacyadani ay isaga kaashan karaan.




From the comments