Warar ay Goobjoog News ka heleyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu maanta oo Arbaco ah la kulmid doono qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.
Xildhibaannada uu Madoobe la kulmayo ayaa u badan sida la sheegay xubno horey mooshin uga gudbiyey madaxweyne Madoobe, balse markii dambe dib u laabtay.
Madaxtooyada Kismaayo ayaa xildhibaannada looga yeeray, balse qaarkood waxay inoo sheegeen ineysan ogeyn ajendaha kulankooda ee Axmed Madoobe.




From the comments