Goobjoog

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Duleedka B/weyne

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay saq dhexe wuxuu ka dhacay duleedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u…

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Duleedka B/weyne

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay saq dhexe wuxuu ka dhacay duleedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u sheegay in Al-shabaab ay xalay saq dhexe weerar xooggan kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi, iyadoo ciidankii lasoo weeraray ay iska caabiyeen Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof oo dhinaycadii dagaallamay ah, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda ayaa sheegay in dhankooda Hal askari ka dhintey, Al-shabaabna ay ka dileen Labo kale.

Waxaa laga yaabaa in khasaaraha dagaalka uu intaan ka bato, balse ma jirto faah faahin dheeraad ah oo dagaalkan laga helay.A

Al-shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Hiiraan.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments