Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay kaalin shidaal oo ku taallay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u sheegay in ay arkayeen gaari booyad ah oo kaalinka shidaal ku shubeysay uu dabka ka kacay, islamarkiina uu ku baahay xarumo kale ganacsi oo halkaasi ku yaallay.
Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootey Labo qof oo goobta ku sugnaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad Shan qof.




From the comments