Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirkii xogwaraysiga ahaa ee mashruuca Horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya, sida Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaraynta &Masiibooyinka, Maaliyada,Kaluumaysiga, Howlaha guud, Beeraha, Arrimaha Gudaha, Haweenta & Xuquuqul insaanka iyo Qaybta gargaarka dawladda. Waxaana lagu soo bandhigay shaxda wax-qabad ee mashruucyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka soo qayb galayaasha u sheegay in sanadkan 2018 uu yahay sanadkii wax qabadka, loona baahan yahay guud ahaan in loo istaago sidii loo dar-dargalin lahaa howlaha horyaaala xukuumadda, sidoo kalena loo fulin lahaa mashaariicda iyo balan qaadyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha dalka.
“Inta aan la gaarin sanadka 2019 waan in aan soo bandhignaa howlaha aan qabanayno iyo qorshaha Horumarinta qaranka, si bulshada loogu soo bandhigo howlaha dawlada ka dibna ay ula jaan qaadaan.” Ayuu R/W Khader.





From the comments