Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Wadajir oo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Juun ee sanadkii hore. Waxana munaasabaddda dhagax-dhigga ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada aqal, maamulka degmada, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.
Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan (Qaanso) oo ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyey dhibaatadii degmada ka dhacday bishii Juun ee 2017, taasi oo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka. Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Wadajir.
Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow iyo Sen Samsam Daahir Maxamuud ayaa uga mahadceliyey shacabka degmada Wadajir in ay u istaageen dhismaha xarunta degmadooda, taas oo kaalin mugleh ka qaadan doonta isku xirka dawladda iyo shacabka. Iyagoo balan-qaaday in maamulka ay kala shaqeyn doonaan wax walba oo horseedi kara horumarka degmada.




From the comments