Wasaaradda Khasaanadda ee Mareykanka ayaa ku dartay madaxa xafiiska siyaasadda ururka Xamaas Ismail Haniyeh liiskeeda argigixisada.
War-murtiyeed ay wasaaraddu ku baahisay bogga ay ku leedahay internetka ayey ku tiri “Haniyeh waxa uu xariir la leeyahay Kataa’ib Cizu Diin AL-qasaam,waana hogaamiyaha garabka millatariga ee Xamaas”.
Liiska argigixisada sidoo kale waxaa lagu daray ururka AL-Saabiriyah,ururka Liwaau’ Sowrah ee ka dhisan Falastiin iyo ururka Xasmi ee iska ka dhisan dalka Masar.




From the comments