Xafiiska adeegga daba-galka ee Qaramada midoobey gudaheeda(OIOS) ayaa ogaaday in xafiis qaramada midoobey ka tirsan oo ku shaqo leh taageerada Soomaaliya, loona yaqaano UNSOS ay mas’uul ka yihiin daadin saxarada, wasaqda, Bulaacado, Daaweyn la’aanta biyaha, qashinka shidaalka, haraadiga daawada la isticmaalay iyo arrimo kale, taas oo dhibaato u geysatay bey’ada iyo deegaanka, keentana shuban-biyood.
Kooxdan la eedeeyay UNSOS—the acronym stands for United Nations Support Office in Somalia, tiradooda waa 595 qof, waxaa ay shaqadooda tahay in ay UN-ka ka caawiyaan dhismaha kaabayaasha, taageero shaqada bannnaanka ah, waxaa kale oo ka mid ah in laga taqaluso ama meel aamin ah oo dadka iyo deegaanka aan wax-yeeleyn lagu shubo saxarada, bulaacadaha iyo qashinka, waxaa ay la shaqeeyaan UNSOS illaa 30,000 oo AMISOM ah iyo ciidamada xoogga dalka.
Hey’addan Qaramada Midoobey ka tirsan ee UNSOS, waxaa ay muhiim u tahay kaabayaasha dhaqaale, waxaa ay keenaan wax walbo qalabka illaa isgaarsiinta cir iyo dhulka ah, maal-gelinta iyo miisaaniyadda iskaba daa daaweynta biyaha, sameynta bulaacadaha iyo ka taxadirka bey’ada.




From the comments