Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in saakay oo Sabti ah howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ciidamadan ay mid mid u baarayaan guryaha ku yaalla halkaasi, iyaga oo howlgalka ka wada guud ahaan xaafadaha Waqooyiga Gaalkacyo.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa u sheegay warbaahinta in ulajeedkoodu tahay sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen, islamarkaana uga hortagi lahaayeen falal amni darro oo dhaca.




From the comments