Wararka ka imaanaya magaalada Ceelwaaq oo ku taalla xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto Kenya ayaa sheegaya in diyaaradaha Helicopter Kenya ay duqeeyeen meel u dhow Ceelwaaq oo magaceeda la yiraahdo Kalabayrka halkaas oo magaalada u jirta qiyaastii 8-Km.
Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq, Sahal Macallin Aadan ayaa Goobjoog News u sheegay in duqeyntaasi ay timid kadib markii ciidamada Kenya ay ka war heleen in halkaasi ay soo gaareen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Wuxuu xaqiijiyay in wax khasaare ah aysan halkaasi ka islamarkaana Al-shabaabkii yimid Kalabayrka ay dib kaga baxeen.




From the comments