Hey’adaha Banii’aadnimada ayaa sheegaya in sanadkan illaa 5.4 million Soomaali ah u baahan yihiin gargaar banii’aadnimo, dadka baahiyaha xoogan ama gargaar deg-deg ah qaba waa 2.7 million, iyada oo si wax looga qabto loo baahan yahay .
Hey’adaha gar-gaarka rajadooda ma xuma oo waxaa ay leeyihiin sanadkii hore dadka dhibaateysan waxaa ay ahaayeen illaa 6.2 million halka kuwa gargaar deg-deg u baahnaa ay gaarayeen 3.2 million, marka waxaa muuqato hoos-udhac iyo rajo.
Iyada oo rajadaasi fiican jirto hadana hey’adaha waxa ay ka digaan in la is-dhigto, oo mark haddii roobabkii la sugayey aaney di’in ay dhici karto in dad gaaraya 500,000 qof ay khatar galaan.




From the comments