Diyaarad dagaal uu leeyahay Ruushka, nooceedana uu yahay Su-25 ayaa ku burburtay goob ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka una dhow gobolka Idlib.
Wasiirka gaashaadhigga Ruushka Sergey Shoigu ayaa sheegay in duuliyaha diyaaradda lagu dilay dagaal dhulka kaasi oo uu sheegay in uu la galay kooxo argigixiso ah, ka dib markii uu diyaaradda uga soo degay qalabka baarashuudka.
Kooxda la magac baxday xoreynta Shaam, kuna xiran ururka Al-qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda riditaanka diyaaraddaani.




From the comments