Wararka Goobjoog News, ay ka heleyso gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan iney xoogeystay xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay Somaliland iyo Puntland, taasi oo ka jirta deegaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in Somaliland ay ciidamo dheeraad ah geeysay deegaanno ku dhow Tukaraq, sidoo kalena dhufeyso ay sheegeen in deegaankaasi laga difaacayana ka sameysteen duleedka Tukaraq.
Dhanka kale, Ciidamo badan oo ka socda Puntland ayaa lagu soo waramayaa iney iyaguna gaareen deegaanno ka tirsan Sool, gaar ahaan deegaanka Holhol.




From the comments