Kumanaan qof ayaa isku soo baxay wadooyinka magaalada Afrin,ee waqooyiga Siiriya kuwaasi oo looga soo horjeeda ololaha millatri ay ciidamada Turkiga ay ku qaadeen magaaladani.
Mas’uuliyiinta magaalada Afrin ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka in la joojiyo howl-galkani millatari, waxa ay intaasi ku dareen in Ruushka uu qaadayo mas’uuliyadda wixii dhaco.
Ruushka, ayaa faro-gelin ku bilaabay Siiriya sanadkii 2015, waxa uuna ku faafiyey magaalada Afrin ciidamadiisa balse dib ayuu uga saaray markii ciidamada Turkigay ay bilaabeen howlgalka millatari ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta.




From the comments